Geedgaab ama geed-hoosaad qori leh, oo illaa 2 m ah, oo laamo badan leh. Caleemo talantaalli ah, inta badan widhwidhaya oo xabag leh, iyo hareero siman. Ubax hurdi ah oo leh madaxyo isku dhafan. Midho iniinyo leh.
Sabo: Kayn dhirta dhosoqa iyo dayibku ku badan yahay, Joog ah 1100 – 1750 m.
Filiqsanaanta: Suudaan Iyo Itoobiya illaa Koonfur Afrika, Carabaha.