Geed yar oo ka soo baxsan jirrid carrada ka hoosaysa. Caleemo duuduuban, wareegsan, cagaar khafiifa ah iyo xidhmo dameeri/cagaar ah, iyo xarriijimo casaan ah oo ku dhereren hareeraha caleenta. Ubax rucub ah oo cagaar-caddaan xiga.
Sabada: Dhul dhagax nuuradeed leh, joog ah illaa 120 – 1700 m.
Filiqsanaanta: Laguma oga dhul Soomaalilaan ka baxsan.
Fiiro: Waxa loo isticmaalaa in lagu daweeyo qaniinyada maska.