Gu’yaal jire illaa 180 cm ah, oo si koox ah u baxa oo leh jirrid kor u baxsan. Caleemo taagan ama fidsan oo u fiiqmaya sida afka qodaxda, oo gadaal ka laalaaban, oo ku taagan dhuun sida saddex xagalka u samaysan oo dhereren dabo iyo dacal iyo xariijimo gaagaaban oo raacsan dhinacyada siman. Ubax rucub ah oo laamo badan oo illaa 2 m dhereren.
Sabada: Dhul dhireed furan, saxare xigeen, joog ah illaa 1200 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya, Ereteriya, Jabuuti, Suudaan, Kiiniya iyo Tansaaniya.