Geedgaab illaa 1 m ah, oo taagan ama filiqsan. Caleemo fudud, oo isasoo eegaya, oo toosan, hareerahana ka ah sida mawjadda. Ubaxu wuxu ku lammaan yahay qodxaanta, oo guntiisa hoose waxa gebi ahaanba daboolay qodxaantaas. Ubax yar oo buluug ah oo ah oo u eeg turuumbada muusiga. Midho ku dhex jira dahaadh yar, iyo siidh uu gas daboolay.
Sabada: Kayn ciid khafiif ah leh iyo dhagax nuuradeed, iyo joog illaa 1100 m ah.
Filiqsanaanta: Bariga Itoobiya, Waqooyi-Bari Kiiniya iyo Yemen.